MW-Dr.XASAN SHEEKH OO GAARAY ADEN YABAAL.

(SAWIRKA)-MW-DR.XASAN SHEEKH IYO WAFDIGIISA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeeladda Dhexe Dawlad Goboleedka Hirshabeele si uu halkaas uga hoggaamiyo hawlgallada Xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin Argagixisada Kahwaarijta Alshabaab. Madaxweynaha ayaa u kuur-gali doonaa xaaladda Ciidamada iyo Xoogagga shacbka ee u istaagay Xoreynta Deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeysan doona Talisyada iyo Hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey Argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta Argagixisada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, Haweenka, Waxgaradka iyo Culimada ee ka dhanka ah Argagixisada dhibaatada ku hayso dalkeyna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya Qarannimada iyo Gobonimada dalkeyna.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

INGIRIISKA,SACUUDIGA IYO QM OO WADA CAMBAAREEYEY QARAXII MUQDISHO.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO CAAWA KU HOYANAYA FURIMAHA.