INGIRIISKA,SACUUDIGA IYO QM OO WADA CAMBAAREEYEY QARAXII MUQDISHO.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD.
(RIYAD)-Boqotooyada Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay Arbacada maanta ah weerar lagu bartilmaameedsaday kolonyo uu la socday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud. Qaraxan oo ahaa Miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa Talaadadii shalay ahayd ka dhacay agagaarka Madaxtooyada, wax yar ka dib markii kolonyada uu la socday Maxamuud ay ka soo baxeen afaafka hore ee Madaxtooyada, balse ma jirto wax dhaawac ah oo soo gaaray Madaxa Xukuumadda, sida ay sheegeen Saraakiisha. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa lagu yiri: “Boqortooyadu waxay dib u xaqiijinaysaa garab istaageeda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda ka dhanka ah wax kasta oo khatar ku ah Ammaankeeda iyo Xasilloonideeda, iyadoo ku celinaysa Mowqifkeeda adag ee diiddan dhammaan noocyada rabshadaha, Argagixisada, iyo Xagjirnimada.” Wararka ayaa sheegaya in ilaa afar qof ay ku dhinteen oo uu ku jiro wariye ku sugnaa dhismo ku dhowaa goobta uu Qaraxa ka dhacay oo ku soo dumay. Kooxda AL-Shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Wafdiga Madaxweynaha ayaa ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha si ay ugu jiheystaan furimaha hore ee Gobolka Sh/dhexe, waxaana la filayaa in Mahamud uu kormeero howlgallada milateri ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay dadaalka ay ku dooneyso in AL-Shabaab looga sifeeyo deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe iyo sidoo kale deegaano kale. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka, waxaana uu xaqiijiyay in Hay’adaha Caalamiga ah ay ka go’an tahay dadka iyo dowladda Soomaaliya. Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa cambaareysay weerarka, waxayna tacsi u dirtay dadkii ku dhintay weerarkaasi. “Ingiriisku wuxuu weli yahay saaxiibka joogtada ah ee dawladda Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Xagjiriinta rabshadaha wata ee ka dambeeya weerarkan aadka u xun,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay safaaradda. Maxamuud ayaa bishii November ku sugnaa Boqortooyada Sacuudiga oo uu kaga qeyb galayay shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Wadamada Carabta iyo Islaamka oo ka dhacay caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, halkaasi oo uu ka sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Falastiin, wuxuuna ku booriyay in xabad joojin laga sameeyo Gaza.
ISHA-CARAB NEWS.