MW-XASAN OO SHIR GUDOOMIYEY SHIR LOOGA HADLAAYEY.

(SAWIKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu shir gudoomiyey shir looga hadlaayey arrimaha Amina dalka,shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaashaandhiga DFS Md.C/qaadir Maxamed Nur iyo taliyeyaal ciidan eyna ka mid yihiin S/Guuto.Muxyadiin Sheekh Ibrahim oo ah Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,S/Guuto.Sulub Axmed Firin Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale oo dhinaca Amniga kana tirsan hayadaha Amniga Qaranka. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda dagaal adag waxa ey kula jirtaa kooxda Alshabaab taaso dhumisay dhul fara badan ey kooxda horay u maamulaysay in ka badan toban sano oo xiriir ah,waxaane hadda gabagaba ah ciribtirka kooxda Alshabaab ee maamuladda Galmudug iyo Hirshabeele.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO SHIR GUDOOMIYEY…

Next
Next

CIIDAMADDA ATMIS OO SOOMAALIYA JOOGI DOONO…