MW-XASAN OO KHUDBAD XASAASI AH KA JEEDIYEY BJFS.

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO LA HADLAY BJFS.

(MUQDISHO)-Todobaadkii hore dhammaadkiisa kuna beegneed Maalin Arbaca ah Habeenimadeedii taariikhduna ey ahayd 30/10/24-ka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Md.Xasan Sheekh Maxamud waxa uu kulan casha sharaf ah Madaxtooyadda kula qaatay Gudoonka iyo Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxa uuna Madaxweyne Xasan habeenkaas u gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah uu ku hortegaayo fadhiga baarlamaanka. Hadaba maanta oo Sabti ah kuna beegan 2/11/24-ka ayuu kulan wadajir ah oo aan caadi ahayn ey yeesheen Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,kulanka maanta ayaa Ajandihiisu ahaa hadal jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud,waxaane kulanka shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Madoobe oo uu wehliyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Md.Cabdi Xaashi C/laahi iyo sidoo kale Ku-Xigeenadda Labada Aqal ee BJFS. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso u jeediyey Xildhibaanadda Baarlamaanka Labadiisa Aqal ayaa ka hadlay Guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xureynaayo kooxda ALshabaab, Damaca guracan ee Xabashida, Arrimaha Siyaasadda iyo Doorashooyinka dalka. Madaxweyne Xasan Sh.Maxamud ayaa ka codsaday Mudanayaasha Baarlamaanka dalka iney dib u dhigtaan fasaxooda kalfadhiga 5-aad oo ey bil dheeraad ah sii shaqeeyaan si ey waajibaadkooda uga gutaan shuruucda Doorashooyinka ee Golaha la horgeynaayo maalmaha soo socdo,kuwaaso dalka u horseedaay Doorasho Qof iyo Cod ah. Hadal jeedinta Madaxwenaha ka dib Xildhibaanadda Labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa cod gacan taag ugu codeeyey codsiga Madaxweynaha ee ah iney hal bil sii shaqeeyaan, waxaa kulanka soo xaadiray 193-Xildhibaan oo ka wada tirsan Labada Aqal ee BJFS, waxaa ogolaaday 181-Xildhibaan, waxaa diiday 12-Xildhibaan mana jirto cid ka aamustay codeynta. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyey sida ey ugu tanaasuleen danta Qaranka oo ey ogolaadeen iney sii shaqeeyaan.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

BISHA EY SII SHAQEYNAYAAN XILDHIBANADA MAXAY QABAN…?

Next
Next

DOORASHADA DALKA MARAYKANKA OO..