DOORASHADA DALKA MARAYKANKA OO..
(SAWIRKA)-HARRIS IYO TRUMP.
(WASHINGTON)-Maanta oo Jimca ah waxaa koow ah Bisha Nofembar sannadka 2024-ka,bishaan waxa ey xiiso gaar ah u leedahay shacabka ku nool dalka Maraykanka oo waxa ey u tahay bishii ey dooranaayeen Madaxdooda in kastoo bartamihii bishii hore ee Oktoobar ey soo bilaabatay doorashada waqtiga hore,laakinse Doorashada tan dhabta ah waxa ey dheceysaa taariikdhdu markeey tahay 5/11/24-ka kuna beegan Talaadada soo socoto. Hadaba meeqa Xisbi ayaa u tartameysa xilka Madaxweynaha dalka Maraykanka Doorashada dheceyso Talaadada soo socoto? (1)-Xisbiga Dimuqaraadiga(D),waxaa magaciisa ku tartameys haweeneyda hadda ah Madaxweyna Ku-Xigeenka Maraykanka Kamala Harris. (2)-Donald Trump,oo ah Madaxweynihii hore ee Maraykanka waxa uu ku tartamaa magaca Xisbiga Jamhuuriga(R). (3)-Jill Stein,waxa ey ku tartameysaa magaca Xisbiga Cagaaran(G). (4)-Chase Oliver, oo ku tartamaayo magaca Xisbiga Libertarian(L). Kuraasta loo tartamaayo 435-kursi oo ah Golaha Wakiiladda, 34-kursi oo Aqlka Senitka ah, 11-kursi oo ah Gudoomiyeyaasha Goboladda,waxaane jira todobo Gobol oo laga ogaado cidda ku guuleysanaysa Xilka Madaxweynaha Maraykanka,Goboladaas ayaa kala ah” Pennsylvania, Georgia, Northa Carolina, Michigan, Arizona iyo Wisconsin”. Wax ka ogow Sideeda Qodob ee Hanaanka Doorashada dalka Maraykanka.
ISHA-VOA/SOMALI.