BISHA EY SII SHAQEYNAYAAN XILDHIBANADA MAXAY QABAN…?

(SAWIRKA)-BAARLAMAANK JAMHURYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa fadhi aan caadi ahayn ee uu yeeshay maanta oo Sabti ah ku Ansixiyey inuu sii shaqeyn doono muddo bil ah si uu u meel mariyo Shuruuc dalka u baahan yahay, sidaan waxaa Golaha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ka codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sh.Maxamud. Xildhibaan Beene-Beene ahne Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga ee XFS oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in kalfadhiga 5-aad ee BJFS uu xirmaayey todobaadka ugu horeeyo ee bisha Noofembar-2024-ka eyna jireen Shuruuc badan ey soo Ansixiyeen Golaha Wasiiradda ee XFS, Xildhibaanadda ayaa laga rabay iney soo akhriyaan dabadeedna Ansixiyaan balse waqtiga uu u saamixi waayey. Xildhibaan Beene-Beene ayaa yiri”Maadaama uu kal Fadhiga 5-aad uu xirmaayo ayuu Madaxweynaha codsaday in hal bil lagu daro kalfadhiga 5-aad si loo dhammaystiro Shuruucda Muhiimka ah”.

ISHA-BBC/SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

SHEEKH ADEN MADOOBE OO XAFIISKIISA KULA KULMAY JAMES SWAN.

Next
Next

MW-XASAN OO KHUDBAD XASAASI AH KA JEEDIYEY BJFS.