MW-DENI OO SHEEGAY IN PUNTLAND SAMEYSANEYSO LACAG.

(SAWIRKA)-MUUQAALKA CUSUB EE LACAGTA PUNTLAND.

(GARAWE)-Maamulka Puntland waxa uu ka mid yahay labada maamul ee dalka Soomaaliyeed ugu faca weyn marka loo fiiriyo maamuladda kale ee dalka ka jira,waxa uuna maamulkaan hadda jiraa 26-sano iyo dhawr bilood balse waxa uu maamulka Soomaaliland ee isagu gooni isu taagay kaga gedisan yahay waxa uu ka qeyb qaatay dib u dhiska Dawladda Federaalka Soomaaliya taaso dad fara badan ey rumeysan yihiin in Dastuurka ku meel gaarka ah ee hadda dalku ku dhaqmo inuu yahay mid laga soo min guuriyey kan ey leedahay Puntland. Puntland ka mid noqoshada Dawlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxa ey kula joogtay qas joogta ah oo waxa ey ku taagneed dawladii timaadaba iyadoo ka dhex aragta danaheeda gaarka ah,waxa eyna Puntland si cad dagaal adag kula jirtay in dalka Soomaaliya uusan yeelan Dawlad Federaal ah eysan iyada raali ka ahayn,hadaba maxaa ka cusub Puntland? Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md.Siciid C/laahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisa Puntland uu go’aan ku gaaray inuu sameysto Lacag u gaar ah inta lagu guda jiro sannadka 2025-ka. Madaxweyne Dein,ayaa sheegay in maamulkiisu uu in mudda ah sugaayey DFS iney soo sameyso Lacag Cusub oo wadanka ka shaqeysa arrinkaasne ey dhici weysay sidaas darteedne ey go’aansadeen iney sameystaan lacag iyaga u gaar ah,balse ma uusan sheegin cidda ka kaalmeyneysa Puntland iney sameysato lacag iyada u gaar ah. MW-Deni oo difaacaya sameynta lacagta ayaa sheegay in labada lacagood ey ka wdaa shaqeyn doonaan Puntland waxa uuna yiri”Dalal badan oo Federaal ah oo waxaa jira laba lacagood leh,macnaheedu ma ahan inaan Soomaalinimadii ka baxnay laakin waxa aan rabnaa in Puntland lacag ey leedahay daraasadeeda raadisaan”. Dhinaca kale,Dastuurka ku meel gaarka ah ee JFS Cutubkiisa 13-aad Qodobkiisa 123-aad xarafiisa (A),ayaa dhahaayo soo saaridda Lacagta dalka waxaa ka Masuul ah Bangiga Dhexe ee Dawladda Federaalka Soomaaliya,ma garan karno sida Puntland oo sheegata iney tahay Hooyadii Federaalka in iyadii maanta ku tumato Dastuurka sidii ey shalay ku eedeyneysay DFS.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

NIN SACUUDI AH OO BAABUUR DAD KU DILAY.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO LA KULMAY GANACSATADA.