NIN SACUUDI AH OO BAABUUR DAD KU DILAY.

(SAWIRKA)-SHILKII JARMALKA.

(MAGDEBURG)-Wararka laga helaayo dalka Jarmalka ayaa sheegaayo in tuhmanaha Sacuudiga u dhashay ee ka dambeeyey weerarkii dhimashada badnaa ee lagu qaaday Suuqa lagu iibiyo waxyaabaha loogu dabaal dego Ciida Kirismaska gudaha dalka Jarmalka ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa “ISLAAM NECEYB”,waxaa sidaas maanta oo Sabti ah sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Jarmalka. Takhtarka 50-jirka ah oo hadda la xiray ayaa sheegay in Masuuliyiinta Jarmalka eysan sameyn wax ku filan ey kula dagaalamaayaan “Islaamka Yurub”wuxuuna sidoo kale ka dhaawijyey inuu taageersan yahay Xisbiga Midigta Fog iyo kan soo galootiga diidan ee dalka Jarmalka,dalka Jarmalka ayaa maanta Sabtida ah weli ku jira Naxdin wuxuuna ku dhibtoonayaa inuu fahmo tuhmanaha ka dambeeyey weerarkii ka dhacay magaaladda Magdeburg. Warbaahinta Maxaliga ah ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay inuu yahay Taalib A.50-jir ah kuna takhasusay Cuduradda Dhimirka iyo Terebiyadda Cilmi-Nafsiga,masuuliyiinta ayaa sheegay inuu ku noolaa Jarmalka 20-sano. Waxaa lagu xiray goobta ka dib markii uu gaari BMW ah midabkiisuna yahay Madaw uu jiirsiiyey Suuqa Kirismaska kaaso ey buux dhaafiyeen dad fasax u soo qaatey iney soo dukaameystaan fiidnimadii Jimcaha,isaga oo dilay ugu yaraan shan qofood kuna dhaawacay ilaa 200-qofood oo kale. Khabiirka Argagixisanimada ku xeel dheer Peter Neumann ayaa bartiisa X ku qoray inuusan weli la kulmin qof looga shakisan yahay fal rabshado baahsan wato oo leh astaantaas. Xisaabta uu Talib ku leeyahay barta X waxa ka buuxo qoraalo uu isaga qoray iyo kuwa dad kale ey qoreen balse isaga uu bartiisa uu dhigay,dhammaan mawduucyadda qoraaladaas ayaa diirada lagu saaraayey Neceybka Islaamka iyo dhaleeceyntisa iyadoo la wadaagaayo qoraaladda Hambalyada Muslimiinta ka tegay Iimaanka. Waxaa kaloo uu isku sheegaa inuu yahay Muslim hore. Waxa uu dhaleeceeyey masuuliyiinta dalka Jarmalka isagoo sheegay iney ku guul dareysteen iney sameeyaan wax ku filan si ey ula dagaalamaan Islaamnimada Yurub. Waxa uu sidoo kale ka dhaawjiyey inuu taageersan yahay Xisbiga Midigta Fog iyo kuwa ka hortaga soo galootiga dalka Jarmalka(AFD). Neumann oo khariib ku ah Argagxisanimada ayaa qoray”Ka dib 25-sano oo aan ku jiray hawshaan ma u maleyneysa ineysan jirin wax kaa yaabiya. Laakin 50-jir Sacuudi ah oo hore Muslim u ahaa oo ku nool Bariga Jarmalka,jecel AFD oo doonaayo inuu ku ciqaabo Jarmalka dulqaadka uu u leeyahay Islaamiyiinta taasi runtii ma ahayn raadarkeyga. Sabtida,Wasiiradda Arrimaha Gudaha Jarmaka Nancy Faeser ayaa u sheegtay wariyeyaasha”Markan,waxaan si dhab ah u dhihi karnaa in dembiilaha uu ahaa mid Islaam Neceyb ah,waane Xaqiijin karnaa taas. Wax kasta oo kale waa arrinu baahan baaritaan dheeri ah,waane inaan sugnaa”. Hayad fadhigeedu yahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo ATHIEST REFUGEE RELIEF ayaa sheegtay in ninka la sheegay inuu weerarka geystay uusan ka mid ahayn kooxda,waxayna sheegtay inuu eedeymo iyo sheegashooyin badan uu u soo jeediyey iyada iyo xubno hore oo gudiga ah,kuwaas oo ey ku sheegeen iney yihiin been abuur. “Si adag ayaan isaga fogeynay,” ayey kooxdu ku sheegtay bayaan ey soo saartay shabakadeeda,iyadoo intaas ku dartay in xubnaha Gargaarka Athiest Refugee Relief ey dacwad dembiyeed ka gudbiyeen isaga sannadkii 2019-kii ka dib markii uu kula kacay “Aflagaado aad u xun iyo weeraro dhinaca Afka ah”.

ISHA-FP.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO MAGACAABIS IYO ISKU SHAANDHEYN KU SAMEEYEY…

Next
Next

MW-DENI OO SHEEGAY IN PUNTLAND SAMEYSANEYSO LACAG.