MW-XASAN SHEEKH OO LA KULMAY GANACSATADA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO GANACSATADA.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay Casha Sharaf la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed kuna bogaadiyey sida ey u doonayaan hirgelinta Qorshaha Muqdishada Cusub oo bedeli doonta muuqaalka Caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa tilmaamay in Mashruucaan Wadaniga ah uu yahay mid dhammaan Ganacasatada Soomaaliyeed ey qeyb muhiim ah ku yeelanayaan taaso xaqiijineysa in Qorshahaan uu noqdo mid Soomaali leedahay,oo berito ey ku faani karaan jiilasha soo socdo. Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa Ganacsatada uga mahaceliyey kaalinta muuqata ey ku leeyihiin dalka,gaar ahaan doorka ey ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha,shaqo abuurka iyo xoojinta nabada. Waxa uuna MW-Xasan ku dhiirigeliyey Ganacsatada iney si hagar la’aan ah u bixiyaan Canshuurta ku waajibtay,kana qeyb qaataan dib u dhiska dalka. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda balanqaaday iney kaalin weyn ku yeelan doonaan Mashaariicda Qaranka,iyagoo ka duulaayo Qorshayaasha lagu xoojinaayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaalaha ee dalka.
ISHA-VILLA SOMALIA.