MW-DENI OO MAGACAABAY GUDIGA ANSIXINTA..

(SAWIRKA)-MW-SICIID C/LAAHI DENI.

(GARAWE)-Wararka aan ka heleyno caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegay in Madaxweyne Siciid C/laahi Deni uu soo saaray Xeer Madaxweyne Tirsigiisu yahay 67 ee 12/12/23-ka kuna saabsan Gudiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda ee dawaladda Puntland. MW-Deni markii uu arkay Dastuurka Puntland Qodabadiisa 7-aad,60-aad iyo 61-aad,Markii uu arkay Xeer Madaxweyne ee tirsigiisu yahay 124 ee 4/12/2004-tii,Wareegto soo baxday 15/11/2008,Xeer Madaxweyne tirsigiisu yahay 159 taariikh 3/12/2013 iyo xeer Madaxweyne tirsigiisu yahay 189 taariikhdiisuna tahay 3/12/23,dhammaan inta aan soo xusay ayaa waxa ey ka soo wada bexeen Xafiiska Madaxweynaha waxaane dhammaantood lagu magacaabay Gudiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaad Golaha Wakiiladda dawladda Puntland. Gudiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaad dawladda Puntland ee uu magacaabay MW-Deni ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Isxaaq Axmed Xasan(Gudoomiye). (2)-Siciid Xirsi Bulxan(Xubin). (3)-Cabdi C/lahi Xaashi(Goley) (Xubin). (4)-C/rashiid Saleebaan Geele(Xubin). (5)-Faarax Cabdi Dhalac(Xubin). (6)-Nabadoon Maxamud Maxamed Axmed(Xubin). (7)-Axmed Cabdi Cali(Xubin). (8)-Yuusuf Suudi Cabdi(Xubin).

ISHA/PUNTLAND POST.

Previous
Previous

WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII AMNIGA EE NEW YORK.

Next
Next

MW-XASAN OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII NEW YORK.