MW-DENI OO LAGU CIDLEYEY SO DHAWEYNTA FARMAJO.

(SAWIRKA)-FARMAJO OO GAARAY GARAWE.

(GARAWE)-Wararka ka imanayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo inuu halkaasi gaaray Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Md.Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo eyna ka mid yihiin Xildhibaano iyo Senitaro ka tirsan labad aqal ee baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. MW-Farmaajo iyo wadigiisa ayaa waxaa garoonka caasimadda Garawe ku soo dhaweeyey MW-Deni iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ka dibne waxaa wafdiga ka yimid Muqdisho loo gudiyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee magaaladda Garawe. MW-Deni iyo Farmajo ayaa lagu wadaa iney ka wada hadlaan arrimaha waqtigaan taagan ey ugu horeyso arrinta dib u eegista dastuurka oo hadda mareyso meel xasaasi ah laguna wado in todobaadka soo socdo loo codeeyo Cutubyadii wax laga bedelay ee Dastuurka(1 ilaa 4) waane midaas midda Farmaajo ku qasabtay inuu maciin bido cadawgiisii shalay ka ceyriyey Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee VILLA SOMALI.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

MAXAA LOOGA HADLAY FADHIGII MAANTA EE XFS?

Next
Next

MAXKAMADDA CIIDAMADDA OO XUKUN KU RIDAY..