MAXKAMADDA CIIDAMADDA OO XUKUN KU RIDAY..
(SAWIRKA)-SARKAAL KA TIRSAN DANAB.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida iney go’aan ka gaartay dacwadii loo haystay Eedeysane Mucaawiye,sarkaalkan ayaa waxa uu ka tirsanaay ciidamadda Danab ee uu tababaray Maraykanka waxa eyna darajadiisu ahayd Laba xidigle. Mucaawiye ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha kooxda Alshabaab iyo Jaajuusnimo iyo inuu ku lug lahaay dilkii Taliye Xasan Tuure oo lagu dilay weerar ka dhacay Galcad sannadkii hore,Muaawiye ayaa hogaaminaayey dhawr horimood oo Danab ah. Maxkamadda ciidamadda ee darajadda koobaad ayaa waxa ey soo gabagabeeysay dacwadii loo haystay Jaajuuska Alshabaab,dagaaladda uu Jaajuuskaan qeybta ka ahaay ayaa waxaa ka mid ah dagaalkii Galcad,midkii BUd-Bud iyo ceel la-helay.
ISHA/CAASIMADDA.