KENYA OO SAFIIR U MAGACAWDAY Dr.MATHUKI.
(SAWIRKA)-XOGHAYAHA URURKA BULSHADA BARIGA AFRIKA(EAC)-PETER MATHUKI.
(NAIROBI-KENYA)-Dalka Kenya ayaa si rasmi ah waxa uu u bilaabay hanaanka dib loogu yeeraayo Peter Mathuki si looga qaado xilka Xogahayaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika(EAC). Warqad rasmi ah oo qoraal ah oo ku socoto Gudoomiyaha Golaha Wasiiradda Bulshada Bariga Afrika Deng Alor Kuol,Xoghayaha Golaha Wasiiradda Kenya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika Peninah Malonza ayaa soo dhejisay ogaysiiska ka noqoshada Dr.Mathuki inuu sii ahaado Xoghayaha Guud ee Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC). Dr,Mathuki ayaa todobaadkii tegay waxaa loo magacaabay Safiirka dalka Kenya u fadhi doono dalka Ruushka,waxaane isbedelkaasi sameeyey Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.
ISHA/EA.