MW-DENI MUXUU KU BEDESHAY DOORASHADII QOF IYO COD?

(SAWIRKA)-MW-DENI

(GARAWe)- DEG DEG: Wararka ka imanaayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Madaxweyne Siciid C/laahi Deni uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada Maamulka puntland uu qabanaayo waqtigeddii isla markaasne lagu gelaayo sidii hore ee ahayd 66-Xildhibaan. Madaxweyne Deni oo hadal kooban ka jeediyey xarunta Madaxtooyada ayaa shaaciyey in doorashada maamulka Puntland la qabanaayo 8/1/24-ka waxaane Xildhibaanada lagu soo dooran doona ayuu yiri Deni qaabkii Qabaliga ahaay ee 66-xildhibaan. dhinaca kale Xisbiyadii taageersanaay in Puntland ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah ayaa sheegay iney ka tanaasuleen g’aankoodii waxa eyna sababta ku sheegeen iney ilaalinayaan xasiloonida iyo nabada Puntland waxa eyna taageereen doorasho ku dhacda qaabka 66-Xildhibaan. Arrinkaan ka soo cusboonaatay Puntland maxay ka bedeli doontaa ismari waagii siyaasadeed ee ka taagnaay maamulka Puntland mudooyinkaan dambe?

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO CAAWA MUQDISHO KU HOOBTAY.

Next
Next

UK OO SOOMALIYA UGU DEEQDAY DHAQAALE DHAN…