ALSHABAAB OO CAAWA MUQDISHO KU HOOBTAY.

(SAWIRKA)-MOOTADII ALSHABAAB KULA QARAXDAY MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ka taagneed dhibaato u dhexeysay Hayadaha Amniga ee caasimadda Muqdisho iyo qaar ka mid ah Ganacsatada Gobolka Banaadir,arrinta la isku haayo ayaa ahayd kaamerooyinka wax basaasa CCTV ee lagu dhejinaayo wejiyadda hore ee Goobaha Ganacsiga,Ganacsatada ayaa ku doodaayo iney wajahayaan halis kaga imanayso dhinaca kooxda Alshabaab halka Hayadaha Amniga ey leeyihiin Kaamerooyinka waxa wax inaga tarayaan la socdo dembiileyaasha ku dhuumaaleysanaayo caasimadda Muqdisho,hadaba maxaa Muqdisho Caawa ka dhacay oo Aanad ogayn? Qarax culus iyo is rasaaseyn ka dambaysay oo sababtay in la soo Afjaro xubno Alshabaab ah oo dhibaato ka gaystay caasimadda Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan. Koox ka tirsan Alshabaab ayaa qarxisay Dukaan lagu iibiyo Qalabka Gaadiidka oo ku yaalo isgoyska AL-Barako,dukaankan ayaa la sheegay inuu xirtay kaamerada CCTV ka dib markii ey Dawladda Federaalka Soomaaliya. Qaraxa ka dhacay Dukaanka ka dib ayey ciidamadda Amaanka ee caasimadda waxa ey baacsadeen kooxdii Qarxisay Dukaanka kuwaaso watay Mooto Bajaaj, Mootada ayaa waxaa sarnaay seddex nin kana tirsan kooxda Alshabaab iyo darawalkii weday mootada,sidoo kale Mootada ayaa siday qarax kale lana rabay in lagu Qarxiyo dukaan kale kuna yaal caasimadda Muqdisho,balse Qaraxii saarnaay Mootada ayaa iskiis waxa uu ugu qarxay darawalkii weday Mootada waxa uuna midabkii darawalka noqday ALwaax gubtay oo kale.

ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.

MUQDISHO-SOMALIA.

Previous
Previous

GOLAHA WAKIILADDA PUNTLAND OO SAMEYSTAY MUDDO KORDHIS.

Next
Next

MW-DENI MUXUU KU BEDESHAY DOORASHADII QOF IYO COD?