MW-DENI MUCAARADKIISA OO SOO GAARAY MUQDISHO.
(SAWIR)-KA.MASUULIYIINTA PUNTLAND.
(PUNTLAND)-Tan iyo maalintii dib loo doortay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md.Siciid C/laahi Deni (8/1/2024)-ka waxaa sii xoogaystay kala fogaanshaha u dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya uu Hogaamiyo Md.Xasan Sheekh Maxmuud iyo maamulka Puntland ee uu Deni Hogaamiyo. Dhiibaatada ka dhex taagan maamulka Puntland iyo DFS ayaa ah mid soo bilawday tan iyo markii Reysul Wasaare loo magacaabay Md.Xamse Cabdi Barre bishii Juun-2022-kii,waayo Deni ayaa waxa uu ka filaayey MW-Xasan Sheekh inuu Reysul Wasaare ka dhigaayo shaqsi ka soo jeedo maamulka Puntland MW-Deni-ne uu keensaday bacdamaa Deni uu qeyb ka ahaay Mucaaradkii ugu cuslaay ee ka qeyb qaatay sidii meesha looga saari lahaay dawladdii uu Hogaaminaayey MW-Maxamed C/laahi Farmaajo balse waxaa xilkii Reysul Wasaaraha la siiyey sahqsi ka soo jeedo Maamulka J/land ee uu Hogaamiyo Md.Axmed Maxamed Islaan(Axmed-Madoobe). Gudaha maamulka Puntland loogama wada qanacsaneyn dib u doorashada Deni waayo Mucaaradka Deni ayaa u arkaayey iney Doorashadda ka dhacda Puntland iney tahay mid lagu shubtay Gacmo shisheeyana ey qeyb ka yihiin taaso loola jeedo dalalka Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya,waxaane ragii saluugsanaay doorashada Puntland ka mid ahaay Wasiiro ka tirsanaay Xukuumaddi Deni ee hore sida Wasiirkiisii Maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo Wasiirkiisii hore ee Amniga C/samad Maxamed Gallan,waxaa iyana ka mid ah raga diidan doorashadda Madaxa Ciidamadda Amaanka Puntland ee loo yaqaano Puntland Security Forces(PSF) Gen.Asad C/laahi Diyaano iyo Ganacsade Maxamuud Faarax Warsame (Shiddo),Amb.Axmed Ciise Cawad. Dhammaan raga aan soo xusay iyo kuwa kale oo badan ayaa maanta waxa ey ku sugan yihiin caasimadda Muqdisho waxa eyna wada hadallo kula jiraan DFS si ey DFS uga helaan wax kasta oo ey uga baahan yihiin si ey u xoojiyaan midnimadda mucaaradooda.
ISHA/CASIMADA.