GAARI HUB,RASAAS,RAASHIN IYO AGAB KALE U WEDAY ALSHAAB OO LA…

(SAWIR)-KA.GAARIGII ALSHABAAB U SCDAY EE LA QABTAY.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo dhulka xuduuda u ah labada maamul Gobleed ee H/shabeele iyo Galmudug ayaa sheegaayo in gaari Layla Caawi ah oo kooxda Alshabaab u siday Hub,Saanad,Dawo iyo Raashin ey ciidamadu ku qabteen halkaas,gaar ahaan goobta lagu qabtay gaarigaas ayaa ah halka loo yaqaano Maraay-Suuleey oo dhaca Soohdinta Goboladda G/gaduud iyo Sh/dhexe. Hawlgalkan ayaa waxaa fuliyey Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 86-aad ee Guutada 77-aad,ciidanka ayaa soo bandhigay sawiradda Gaariga la qabtay iyo qeybo la sheegay iney ka mid yihiin agabkii uu u siday kooxda Alshabaab. Maalmihi la soo dhaafay hawlgallo isdaba joog ah ayaa ka socday Tuulooyinka iyo dhulka Hawdka ah ee dhaca Soohdinta labada Gobol G/gaduud iyo Sh/dhexe. Dhulka hawdka ah ee kala qeybiya Goboladda Galgaduud iyo Sh/dhexe ayaa ah halka ugu halista badan mark loo fiiriyo dhammaan aagaga kale ey kooxda Alshabaab ka dagaalanto waayo kooxda ayaa halkaa waxa ey u ahaan jirtay meel ey taalo Isbaaro lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee isaga kala goosha Goboladda Koonfureed ee Soomaaliya iyo Goboladda ee dalka.

ISHA/CASIMADA.

SII AKHRI

Previous
Previous

MW-DENI MUCAARADKIISA OO SOO GAARAY MUQDISHO.

Next
Next

AGAASIME SAMBALOOSHE OO SAMEYEY MAGACABIS IYO XIL KA QAADIS.