MAWQIFKII SICIID DENI MAXAA ISKA BEDELAY?

(SAWIR)-KA. MW-SICIID C/LAAHI DENI.

(GARAWE)-Wararka ka imaanayo caasimadda maamul Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in halkaas lagu soo gabagabeeyey shir uu maamulku ugu magac daray”SHIRKA JIHAYNTA DAWLADDA PUNTKAND”,shirkaan ayaa waxa uu u socday Hayadaha dawladda Puntland ey leedahay sida Wasiiradda,Agaasimeyaasha iyo hayadaha Amaanka. Madaxweynaha Puntland Md.Siciid C/laahi Deni oo ka hadlay xiritaanka Shirka Jihaynta Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in maamulkisa uusan cidna uga carareyn Soomaalinimada waxa uuna yiri “Soomaalinimada cidna uga caririmayno,cidda khaldan baan qabaneynaa haddii alle idmo,garab istaag dadkeena Soomaaliyeed-ne horay ayaan u sii wedeynaa”,isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Deni yiri’ La isma Muquunin karo,la isma dardadri karo,dalkaan meesha uu aadayo halaga wada hadlo,Puntland wax ey diyaar u tahay Garnaqsi”. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa isbedel waxa uu ku sameeyey masuuliyiinta Hogaamineysa Mashaariic la sheegay iney maalgelineyso Dawladda Imaaraatka Carabta,waxa uuna xilal fara badan isugu daray Agaasimaha PMPF-ta Puntlad C/rabbi C/samad Maxamed oo Deni waalid u yahay,tusaale ahaan PMPF-ta C/rabbu waa u Agaasime,adeega ciidamadda Puntland isaga ayaa loo dhiibay,dhismaha Garoonka Kubadda Cagta isaga ayaa loo dhiibay,Dhismaha Wadada 30-ka waxaa loo dhiibay Xasan Deni,Mashruuca magaala Xeebeedka Xaafuun waxaa loo dhiibay C/laahi Siciid Deni,Hotel-ka DECALE ee dhismihiisu hadda ka socdo Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaa dhisanaayo MW-Deni,Dhismaha dekedda Ijaabo oo ah Xaaska MW-Deni ayaa qaadatay. Shacabkii Puntland iyo Xukuumadiina ma jirto ilaa hadda cid wax ka tiri dhibkaan ka socdo Puntland.

ISHA/CO.

SII AKHRI.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO QOFKII 3-AAD EE REER KGS AH KU DISHAY MUQDISHO.

Next
Next

MW-DENI MUCAARADKIISA OO SOO GAARAY MUQDISHO.