ALSHABAAB OO QOFKII 3-AAD EE REER KGS AH KU DISHAY MUQDISHO.

(SAWIR)-KA. AUN-XILDHIBAAN IBRAHIM CABDI C/RAXMAN.

(MUQDISHO)-DEG DEG: War aan hadda ka helnay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaayo in caawa fiidkii degmada Wadajir, Waaxda Xaawa Taako,Xaafadda Cadayga lagu dilay Xildhibaan ka Tirsan Xildhibaanadda Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaalliya laguna magacaabo Xildhibaan Ibrahim Cabdi C/raxmaan oo 62-jir ah kuna magac dheer (Xildhibaan). Sida ey sheegeen dad Goobjoogayaal ah waqtiga ey dheceysay Toogashadda marxuumka ayaa waxa uu gelaayey hoygiisa waxa uuna garaacayey Albaabka gurigiisa,kooxda hubaysan ayaa marxuumka ka toogatay Qadaadka nafne dhulka lama dhicin Xildhibaankasida ey sheegeen goobjoogayaal,kooxdii dilka gaysatayne waa ey ka baxsadeen goobta,waxaase la yaab ah in goobta ey ka dhacday toogashadda ey ku hareereysan yihiin barakoontarool ey ciidamo fadhiyaan weline ma eysan suurtagelin in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiigleyaashii dilay Xildhibaan Ibrahim,dilka marxuumka ayaa waxaa sheegtay kooxda Argagixisadda Alshabaab ee ka dagaalanta Gudaha dalka Soomaaliya. Dhinaca kale,waxaa isa soo taraayo dilalka Qorsheysan ee lala beegsanaayo Saraakiisha Ciidamadda ee ka soo jeedo maamulka KGS iyo Masuuliyiinta ka soo jeedo isla maamulka KGS,taariikhdu markey ahayd 5/5/24-ka waxaa degmada Xamar JaJab ee G/banaadir lagu dilay Korneel Aden Biid kana tirsanaay ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Korneelka dilkiisa ayaa waxaa sheegatay isla kooxda Alshabaab. Taariikhdu markey ahayd 26/4/24-ka waxaa degmada Shibis ee G/banaadir lagu dilay EX-Xildhibaan Cali Cumar Gaab oo isna ka soo jeedo KGS waxaane dilkiisa sheegatay kooxda Alshabaab,hadaba masuuliyiinta ka soo jeedo KGS iyo saraakiishooda miyeysan la gudbooneyn iney is ilaaliyaan inta ey awoodooda la’eg tahay. Sida caadada u ah kooxda Alshabaab markii uu ku yimaado culays eysan iska dul qaadi karin ayey waxa ey sameeyaan xeelad ah iney ugaarsadaan masuuliyiinta ka soo jeedo degaanadda uu culeysku kaga yimid,balse kooxda ayaa moog in culayska uu ku sii badanaayo marka ey dilaan qof muhiim u ah bulshadda degaankaas degto.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

GOLAHA WASIIRADDA OO ANSIXIYEY HINDISO SHARCIYEED.

Next
Next

MAWQIFKII SICIID DENI MAXAA ISKA BEDELAY?