MUSHAARKIISA WAA $70 WAANE DILAA,SABABTA?
(SAWIRKA)-DILAA LA QABTAY KANA TIRSAN ALSHABAAB.
(SOMALIA)-Maxkamada ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday nin la sheegay inuu ka tirsanaay kooxda Alshabaab,ninkaan ayaa weerar loo adeegsaday Bambo gacmeed waxa uu ku qaaday ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya gudaha magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho bishii shanaad ee sannadkan-2023-ka. Ninkaan ey soo qabteen ciidamadii uu ku tuuray Bam gacmeed ka ayaa qirtay inuu ka tirsanaaye kooxda Alshabaab kana yimid degmada B/hakaba ee gobolka Bay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,mana uusan qarsan in kooxda Alshabaab ey mushaar ahaan u siin jirtay lacag dhan $70 bishiiba,sababta uu Muqdisho u yimidne ey ahayd inuu ka gaysto dilal qorsheysan balse waa la qabtay isaga oo aan waxba hawl dil ah oo qorsheysan ka fulin muqdisho.
ISHA/HIIRAAN ONLINE.