KOOFI,CABDUL IYO JURUS MA LA SO XIRI DOONAA?

(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA MAXKAMADA GOBOLKA BANAADIR Md.SAALAX CALI MAXAMUUD.

(SOMALIA)-Qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Md.Saalax Cali Maxamuud ayaa lagu sheegay iney si dhaqsi ah Maxkamada Gobolka u horyimaadiin sagaal sarkaal oo horay uga tirsanaay masuuliyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya,masuuliyiintaan looga yeeray Maxkamada G/banaadir ayaa waxaa horay musuq ugu soo eedeyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka Md.Suleymaan Maxamuud. Masuuliyiinta la shaaciyey magacyadooda ayaa waxaa laga xusi karaa seddex masuul oo aad caan uga ah magaaladda Muqdisho kalana ah: (1)-Muxyadiin Xasan Jurus-Agaasime waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda. (2)-Dr.Maxamed Adan Jimcaale(Koofi)-Agaasimihii hore ee Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dawladdii Farmaajo hogaaminaayey. (3)-C/qaadr Cilmi Cali(Cabdul)-Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee waqtigaan,ujeedka loo saaray warqadaan loogu yeeraayo masuuliyiintaan hadda dalka ka maqan ayaa ah haddii ey imaan waayaan Maxkamada G/Banaadir horteeda waqtiga loo qabtay in arrinkooda loo gudbin doono Booliska Caalamiga ah(INTERPOL).

ISHA/HIIRAAN ONLINE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MUSHAARKIISA WAA $70 WAANE DILAA,SABABTA?

Next
Next

MAXAA SABABAY IN LA WAAYO DAD DHAN 500-QOF?