DAD ISKU QOYS AH OO KU GEERIYODAY QARAX KA…
(SAWIRKA)-QARAXII BUULEBURDE.
(SOMALIA)-Todobo qofood oo rayid ah eyna ku jiraan caruur ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay degaanka Jicibow oo qiyaastii 25-KM fogaan dhanka Waqooyi kaga beegan degmada B/burde ee Gobolka Hiiraan. Sida ey soo sheegeen warbaahinta maxaliga qaraxa ayaa waxa uu dhacay shalay gelinkii dambe,dadka ku geeriyoday qaraxa ayaa wada ahaay laba qoys oo qaraaba wada ah kana soo laabtay beertooda waqtiga uu haleelay qaraxa. Inta badan dhulka laga saaro amaba lagula dagaalo kooxda Alshabaab ayey kooxdu uga tagtaa waxyaabaha qarxo si ey u galaaftaan dadka shacabka ah.
ISHA/ARAB.