MUSAAFURINTA GANACSATADA SOOMAALIYEED EE ANKARA.
(ANKARA):Marka laga soo bilaabo sannadkii 2011-kii waqtigaaso dalka Soomaaliya eey ka jirtay macluul aad u ba’an ayaa waxaa booqasho taariikhi ku tegay madaxweynaha dalka Turkiga Ordogan iyo Xaaskiisa waxa eeyna soo booqdeen goobo eey ku sugan yihiin dad eey aad u llidatay xaaladooda waqtigaas,arrintaas uu sameeyey Ordogan ayaa waxa eey soo jiidatay indhaha hogaamiyeyaasha caalamka oo u haystay in dalka Soomaaliya yahay meel aan la tegi karin oo bahalo galeen,madaxwyne Ordogan oo arrintaas ka faa’idaysanaayo ayaa dalkiisa iyo dadkiisa waxa uu tusay in Soomaliya tahay dal wax badan laga faa’iidayo lana joogo waqtigii fursadaas laga faa’iidaysan lahaa.Dawladdii KMG ahayd ee uu hogaminaayey Sheekh Shariif ayaa dalka Turkiga waxa eey la gashay heshiisyo horumarineed waxane heshiisyadaas ka mida in shirkado Turki ah maamulaan labada il dhaqaale ee kala ah Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ilaa manatane labadaas shirkad ayaa maamulo labadaas goobood.Soomaali badan oo haysato dhaqaale fiican ayaa bilawday ineey caruurtood waxbarasho ugu diraan dalka Turkiga marka eey dhammeeyaan dugsiga sare,qaar kalane caafimaad ayey Turkiga u doonteen,waxane sidaas ku bilawday isdhexgalka labada shacab oo Soomali badan ayaa guryo ka iibsaday dalka Turkiga,kuwa kalane waxa eey ka furteen goobo gamacsi oo iyagu iska leeyihiin,hadaba maxaa hadda taagan oo dhiba oo haysta Soomalaida maalgashatay Turkiga?
Sannadadii ugu dambeeyey halka loo yaqaano”kizily square”ee ah wadnaha magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka jiray isbedelo laga dareemaayo dhinaca dhaqaalaha dadka dego degaankaas.Caasimadda dalka Turkiga waxaa ku badanaayo dadka Soomaalida ah oo waxa eey halkaas ka fureen Maqaayado,Biibito,dukaamo laga iibsado dharka iyo xafiisyo la taliya dadka ganacsatada ah ee Soomaaliyeed,si tartiibtartiib ah ayey wax isu bedeleen oo waxa bilaabatay in wax kharibmaan dadkiina kala tagaan,si kastaba barwaaqadii Soomaalida ayaa shiiqday ka dib markii hayadaha amniga Turkiga bartilmaameedsadeen dhibaatana u geesteen dadka soo gelootiga ah, waxaane kor u kacday caadifadda kuwa neceb soo gelootiga.Bishii Abriil wargayska la yiraahdo Sozcu ee maalinla ah eeyna iska leeyihiin kooxda garabka midig ee macruufna ku ah nacaybka dadka soo gelootiga ah ayaa sheegay in dawladda Turkiga raadar dul dhigto halka Soomaalidu ku ganacsadaan ee ah “kizily square".Wargayska eey iska leedahay kooxda garabka midig qoraal uu qoray ayuu cinwaan uga dhigay”ANKARA WAXA EEY NOQOTAY BARTAMAHA SOOMAALIYA”,wixii markaas ka dambeeyey booliska dhar cadka ah ee dalka Turkiga ayaa bilaabay ineey si joogta ah u booqadaan goobaha ganacsi eey leeyihiin Soomaalida,waxa uuna boolisku si aan isku xigin oo teel teel ah ganacsatada Soomaliyeed u weydiin jiray sharcigooda waxa uuna ku xadgudbaayey dadka u soo suuqaysi taga dukaamada Soomalida.Bishii Sebtembar gudaheeda ayaa waxaa dhacay shil aad looga naxay kaasoo ahaay in booliska xireen ganacsade Soomali ah dabadeedna amreen in dalka Turkiga laga Musaafuriyo waxaane ganacsatadaas lagu qasbay ineey iska iibiyaan hantidooda amaba ineey gebi ahaanba iska xiraan.
Gudaha dalka Turkiga waxaa batay dadka ka soo horeedo Qaxootiga,waxa uuna Turkigu martigeliyaa qaxooti garaayo shan milyan una badan Suuriyiin.Bilihii ugu dambeyey mucaradka dalka Turkiga ayaa bilaabay inuu xukuumadda uu hogaamiyo Ordogan dab ku shido ayagoo dawladda ku eedeynaayo ineey ku guuldaraysata ineey wax ka qabato qaxootiga,laakinse waxa uu farqi weyn u dheexeeyaa Soomaalida iyo dadka kale waayo Soomalida waa dad wax bartay kuna yimid dalka Turkiga sifo sharci ah,intooda badane waxa eey haystaan sharciga degenaanshaha Turkiga,Soomaalida ayaa maalgashatay Turkiga oo waxa eey ku leeyihiin dhul iyo goobo ganacsi.XIGASHO MEE.