MARAYKANKA OO CUNAQABATAY SAARAY RAG REER LIBNAAN AH.

(Maraykanka):Shalay oo Khamiis ahayd(28/10/2021)-ka dalka Maraykanka ayaa cunaqabatayn saaray laba ganacsato iyo hal xildhibaan oo reer Libnaan ah kuwaso ku xiran ururka Xisbullaahi iyo ayagoo ku eedeysan Musuq baahsan kaaso baabi’inaayo sharciga dalka Libnaan.Labada ganacsade ee kala ah Jihaad Carab iyo Dany Khoury ayaa waxa eey aad ugu dhaw yihiin Raysal Wasaariihii hore ee dalka Libnaan Sacad Al-xariiri,siyasiyiinta Masiixiga iyo Jubraan Baasil ee hadda ah wasiirka arrimaha dibadda dalka Libnaan,dhammaan ragaan ayaa kuwada eedeysan Musuq lagu sameeyey heshiisyo eey gashay dawladda Libnaan.

Xildhibaan Jamiil Sayid oo isna ka mida raga la saaray cunaqabateynta ayaa ku eedeysan inuu doonaayey inuu wax ku farsameyo siyaasadda bangiyadda ee gudaha dalka Libnaan iyo inuu xildhibaanku dibadda u xawilay lacag dhan $120-milyan oo doolarka Maraykanka ah taasoo loo fahmi karo hodanimo isgaa iyo kooxdiisa ah.Labada ganacsade Khoury iyo Carab ee ku eedeysan ineey xukuumadda Libnaan ka qaateen kunturaad lagu qiimeeyey ineey dhan tahay boqolaal milyan oo doolar ayaakunturaadaha eey qaateen labada ganacsade eey kala yihiin nadaafadda iyo soo nidaaminta shaqada.XIGASHO MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SARKAAL LIIBIYAN AH OO LA SAARAY CUNAQABATEYN.

Next
Next

MUSAAFURINTA GANACSATADA SOOMAALIYEED EE ANKARA.