MUQDISHO IYO GURICEEL OO WAX KA DHECEEN.

(SAWIRKA)-GUDAHA DEGMADA GURICEEL.

(MUQDISH-GURICEEL)-Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh sannad ka hor uu iclaamiyey dagaalka dalka looga ciribtiraayo kooxda Alshabaab dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo hagaagayey Amniga Guud ee caasimadda Muqdisho iyo hareeraheeda,dhinaca kale kooxda Alshabaab ayaa waxa ey gudaha Muqdisho ka sameyneysay Arbushaad Amni si dadka Muqdisho ey u tusaan iney weli nool yihiin eysan ahayn koox dhimatay lagana adkaaday,hadaba caaw oo Isniin ah ayaa waxaa gudaha caasimadda Muqdisho laga maqlay Jug Culus taaso ka dhacday agagaarka degmada Shangaani,wararka laga helaayo ayaa sheegaayo in koox wadatay Mooto Bajaaj ey Bam Gacmeed ku weerartay Guri uu horay u deganaay AUN-Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere),ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka caawa ka dhacay Muqdisho,waxaane goobta isaga baxsaday kooxdii qaaday weerarka arbushaada ah. Degmada Guriceel kana tirsan Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa sheegaayo in laba qofood ey ku dhinteen kuna dhaawacmeed afar qofood oo kale ka dib markii ey is rasaaseyni ey dhexmartay ciidamadda Booliska iyo kuwa NISA oo dhinac ah iyo koox Burcad ah sida ey xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hayadaha amnaanka Galmudug. Sida laga soo xigtay dadka degaanka dagaalka ayaa yimid ka dib markii ey hayadaha amaanka degmada Guriceel ey isku dayeen iney sameeyaan Hub ka dhigis dadka hubka ku dhex sita degmada Guriceel,dadka dhintay ayaa kala ah hal askeri kana tirsan ciidamada Booliska Guriceel iyo qof shacab ah halka afarta qofood ee dhaawacantay ayaa wada dad shacab ah waxaane loola cararay isbitaalka AL-shifa ee degmada Guriceel.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

NISA OO GACANTA KU DHIGTAY.

Next
Next

HAWLGAL LAGA SAMEEYEY XADKA GOBOLADA GALGADUUD IYO…