HAWLGAL LAGA SAMEEYEY XADKA GOBOLADA GALGADUUD IYO…
(SAWIRKA)-MACAAWIISLEY.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaayo in ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayo kuwa degaanka ey hawlgal ka sameeyeen maanta oo Isniin ah degaano dhaca xadka u dhexeeyo labada Gobol ee kala aha Shabeelada dhexe iyo Galgaduud,hawlgalkan ayaa waxaa hogaaminaayey Cabdulle Maxamed Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallin NuUr oo ka wada tirsanaay saraakiishii ku sugneed aaga maanta laga sameeyey hwalgalka. Hawlgalka ayaa waxaa gacanta Khawaarijta maanta looga saaray degaanada kala ah”Hilawle Gaab,Dumaaye,Kalabeyr iyo Xaaji Gacal”,inta badan degaanada dhaca xadka labada Gobol Shabeelada dhexe iyo Galgaduud ayaa ah kuwa horay looga xureeyey Khawaarijta balse ey ciidamadda iyo xoogaga degaanka bilo ka hor ey isaga soo bexeen.
ISHA/CAASIMADDA.