MUHAAJIRIIN REER BAKISTAAN AH OO LAGU JIRDILAY GIRIIGA.
Shan iyo toban muhaajiriin oo reer Bakistaan ah ayaa la dhaawacay maalintii Jimcaha ahayd(13/8/2021)-ka sabab la xiriirto isir neceeb,weerarka lagu qaaday dadkaan muhaajiriinta ah ayaa waxa uu ka dhacay Jasiiradda Crete ee dalka Giriiga.Sida eey qoreen warbaahinta Giriiga koox ka kooban toban qofood kuna hubaysan hub iyo ulo ayaa weerartay laba guri eey degan yihiin shan iyo toban muhaajir oo reer Bakistaan ah,dadka geystay weerarka ayaa tumay muhaajiriinta waxa eeyna hawada u rideen rasaas nool,waxayna jejibiyeen alaabtii tiilay labada guri,waxayna xadeen dhamman wixii qiimo lahaay ka dibne goobta waa eey ka baxsadeen.XIGASHO MEMO.