MIDAW AFRIKA IYO MIDAWGA YURUB MAXAY KA QAADI KARAAN NIGER?
(SAWIRKA)-BANAANBAX LAGU DIIDAN YAHAY AFGEMBIGA NIGER.
(NIGER)-Midawga Afrika ayaa ciidamadii afgembiyey Madaxweyne Maxamed Bazuum ee dalka Niger ka dalbaday iney dib ugu laabtaan xerooyinkoodii muddo shan iyo toban maalmood ah,Midawga Yurub ayaa isna dhinaciisa waxa uu kordhiyey cadaadiska uu ku haayo kooxda afgembiga sameysay waxa uuna Midawga Yurub ku hanjabay inuu baabi’in doono gebi ahaan iskaashiga dawladda Niger ee la dagaalanka Argagixisada. Gen.C/raxman oo ah taliyaha haysta ciidamadda ilaaladda Madaxtooyada dalka Niger tan iyo sannadkii 2011-kii ayaa ka soo muuqaday Tv-ga Qaranka ee Niger shalay oo Jimca ahayd waxa uuna sheegtay inuu yahay hogaamiyaha dalka Niger.
ISHA /ARABIC.