MEYD LA HELAY GOBOLKA OHIO EE DALKA MARAYKANKA.
(MARAYKANKA):Waxaa soo noqotay mar kale inuu dhaco dil afduub uu ka horeeyey,arrintaan ayaa ah mid u gaara soomaalida degan gobolka OHIO ee dalka Maraykanka.AUN-Eng.Bashiir Maxamuud Maxamed waxa uu ahaay ganacsade ku nool dalka Kenya kana yimid gobolka OHIO ee dalkaas Maraykanka,AUN-Bashiir ayaa la waayey bishii Maay-13-21-ka gudaha magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya dhawr maalmood ka dib kuna beegneed 23-5-21-ka ayaa meydka Bashiir la helay waxaane la gubay baabuurkii uu lahaay Eng.Bashiir mana jirto dalka Kenya ilaa iyo hadda cid arrinkaas loo qabtay lana horkeenay maxkamadaha dalkaas Kenya,Eng.Bashiir ayaa ah nin ku noolaay gobolka OHIO ee dalka Maraykanka.Sheekh Maxamed Xasan Adan ahne imaamka masaajidka Abu Hureera ee magaaladda Kolombas ee gobolka OHIO ee dalka Maraykanka ayaa la waayey habeenimadii Arbacadda ee ina soo dhaaftay(22/12/21)-ka waxaane la helay meyd loo malaynaayo inuu yahay meydkii Sheekh Maxamed laga helay shalay oo Jimca ahayd(24/12/21)-ka meel eey yaaliin alwaax fara badan kuna dhaw goobo ganacsi,hadaba su’aasha la isweydiin karaa ayaa ah waa maxay dilalkaan u gaarka ah dadka waxgalka u ah bulshada soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka?Arrintaan ayaa waxaa wax ka qoray Yahoo News.