MAXAANAD OGAYN OO KA DHEX DHACAY BAARLAMAANKA PUNTLAND?
(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA PUNTLAND.
(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaayo in dood xoogan ey hareeysay kulankii maanta ee Golaha Baarlamaanka Puntland,kulanka maanta ayaa ah mid laga war sugaayey waxa ka soo bixi doono bacdaa uu ahaay mid la doonayey inuu dhaco maalintii isniinta ee la soo dhaafay balse uu baaqday. Kulankii uu yeeshay Baarlamaanka Puntland maanta oo Khamiis ah ayey ahayd in looga wada hadlo xeerka Doorashadda Puntland uu hadda ka taagan muran dhawr mar sababay gacan ka hadal,waxaane maanta dhacday in gudaha hoolka uu fariisto Baarlamaanka Puntland gacanta la isugu qaado waxane sababay ayaa la leeyahay khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.
ISHA/CASIAMDA.