MAXAA MAANTA KA DHACAY HOOLKA GOLAHA SHACABKA?

baaarlamaanka.jpg

Dalka soomaaliya waxaa ka taagan ismari aad u adag una dhexeeyo maamul goboleedyada qaarkood iyo dawladda federaalka ismari waagaan ayaa soo jiitamayaayey tan iyo sannadkii hore ee 2020-ka,arrinta keentay ismari waga dhinaca doorashooyinka ah ayaa waxaa loo sababeeyaa in DFS doonayso in dalka eey ka dhacdo doorasho u dhacdo sida eey ayada rabto si xukunka dalka eey mar labaad ugu soo laabato,halka labada maamul goboleed ee kala ah J/land iyo P/land ka biyo diidan yihiin qaabka eey dawlada wax u wado waxa eeyna u arkaan mid sadbursi ah gaar ahaan madaxweynaha J/landa mudane Axmed Madoobe oo si adag u diiday in dawladda maamusho xildhibaanada ka imaanaayo G/Gedo kuwaso dhan lix iyo toban xildhibaan waxaane xusid mudan in xildhibaanada ka imaanayo Gedo inuu si adag ugu dhegan yahay madaxweynihii hore Farmajo lagana fujin kari la’ayahay ilaa iyo hadda iyo waxyaabo kale oo dhinaca farsamada ah,waxaane dhacday in heshiis lagu gaaray magaaladda Muqdisho bishii sebteembar-2020-kii waxaane heshiiskaas gaaray DFS iyo shanta maamul goboleed iyo G/banaadir,waxaa kaloo jiro heshiis kale oo dhinaca farsamada ah oo isna lagu gaaray caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka K/Galbeed ee Baydhabo.Isjiijidkaan u dhexeeyo DFS iyo seddexda maamul(Hirshabeele,Galmudug iyo K/Galbeed) ee isku dhinac ah iyo labada maamul(J/Land iyo P/Land) oo dhinaca kala ah ayaa waxaa abuurmay koox la magac baxday MIDAWGA MUSHARIXIINTA kuwaaso u arkay isjiijiidkan inuu sababi karo waqti dhumis iyo in doorashadda dalka lagu bedelo waqti kororsi aan sharci ahayn waxayna taas sababtay in midawga musharixiinta si fiican isu abaabulaan samaystaane hogaamiye, afhayeen iyo xubno kale oo aad u firfircoon,Sheekh shariif iyo xasan sheekh oo horay u soo noqday madaxweynayaal ayaan ah kuwa ugu miisaanka culus iyo RW-rihii hore Xasan Cali Khayre,markii arrintii doorashooyinka sii cakirantay gaartayne meel aad xun sababteedana uu leeyahay madaxweynaha uu xilkiisu dhammaaday Farmaajo ayaa waxaa abuurmay gole cusub kana kooban seddex qeybood oo kala ah(MIDAWGA MUSHARIXIINTA,MAAMUL GOBOLEEDYADDA J/LAND IYO P/LAND IYO GUDOOMIYAHA AQALKA SARE EE BFS) kooxdaan cusub ayaa sababay in kor u kaco ismari waagii horay u jiray lana gaaro heer DFS iyo seddexda maamul ee raacsan ineey kaligood kulmaan halkii laga rabay in kulankooda eey qeyb ka noqdaan maamulada J/land iyo P/land iyo beesha caalamka oo goobjooga ka ah arrintaan ayaa waxaa ka dambeeyey sida la sheegay Farmajo oo ugu talagalay inuu fashiliyo shirka eey soo abaabushay Q/midoobay. RW-rihii hore Khayre iyo gudoomiyaha xisbiga wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa waxa eey ku guulaysteen ineey u kala debqadaan labada madaxweyne ee Galmudug iyo P/land QooQoor iyo Deni ka dib markii eey soo kala dhexgashay xurguf waxayne taasi sababtay in QoorQoor loo wakiisho inuu soo jiido saxibadiisa ku dhinaca ah Farmaajo(Cali Guudlaawe iyo Lafta Gareen) si eey ula kulmaan madaxda P/land iyo J/land si arrimaha doorashadda horumar looga samayn lahaay taasne waa uu aqbalay QoorQoor waxa uuna saaxibadiisa ku qanciyey ineey si foolkafool ah ula fariistaan Deni iyo Madoobe,arrintaan uusan la dhacsaneeyn Farmaajo ayaa waxa uu soo saaray qoraal uu ku leeyahay”WAXAAN ERGO AHAAN UGU DIRAY AXMED MADOOBE IYO DENI QOORQOOR,CALI GUUDLAAWE IYO LAFTA GAREEN” waxayne arrintaan si ba’an uga careeysiisay QoorQoor oo gaaray inuusan ka jawaabin telefoonka Farmaajo arrintaan ayaa ah midaan weli xal cad laga gaarin sideedana u taagan balse waxaa ka dhashay in madaxweynaha xiliisu dhammaaday Farmajo abaabulo xildhibaano isaga raacsan kana dhaadhiciyo ineey keenaan mooshin waqtiga loogu kordhinaayo madaxweynaha iyo hayadaha dastuuriga ah,dhinaca kalane waxaa abuurmay kutlo xildhibaano ah lana magac baxay”KUTLADA BADBAADO QARAN” Ogowne dhammaantood waxa eey ka wada tirsan yihiin BFS labadiisa aqal(Sare iyo Hoose).

Maanta oo ahayd Sabti 27/3/2021-ka ayaa waxaa lagu balansanaay hoolka shirarka ee golaha shacabka ee Villa Hargaysa ajandaha kulanka ayaa ahaay mid ku saabsan COVID-19 sida lagu soo wargeliyey xildhibaanada,laakinse waxaa jiray shaki ah inuu jiro qorshe kale oo ah waqti kororsi loo samyahayo hayadaha dastuuriga ah iyo madaxeynaha muddo dhan laba sano,si arrintaan dambe looga hortago xildhibaanada mucaaradka ah maba saxiixin liiska imaatinka golaha oo si toosa ayey golaha u galeen waxaane is dhimay tirada xildhibaanada loo baahnaay si loo furo shirka golaha,buuq hareeyey furitaanka shirka ayaa waxa uu sababay in gudoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa labaad awad ineey ku dhawaaqaan in shirku xiran yahay dibna laga soo sheegi doono goorta uu dhacaayo kulanka golaha shacabka.FADLAN DHEGAYSO VIDEO-GAAN AAN IDINKAAGA SOO QAADAY TV-GA ADDUUNKA.

RIIX HALKAAN

Previous
Previous

WEERAR KA DHACAY DALKA MOZAMBIQUE.

Next
Next

ITOOBIYA OO LAGU DHEGAN YAHAY.