ITOOBIYA OO LAGU DHEGAN YAHAY.

6059d58c69e23.image.jpg

Kampala(AP)- Q/midoobay iyo hayadda xuquuqul insaanka Itoobiya oo sheegay ineey si wadajir ah isaga kaashan doonaan baaritaanka la xiriira gabood falkii ka dhacay gobolka Tigray. Baaritaanka aay noqon doono mid wada gaaro dhammaan qeybaha uu ka dhacay iska hor imaadka(dagaalka),”Qeybo fara badan ayaa ku lug leh wixii ka dhacay gobolka Tigray,culayska warbixinta ee xadgudubyada ka dhacay gobolka Tigray iyo bartilmaameedsiga dad gaara waa mid u baahan baaritaan madax banaan oodeg deg ah” sidaas waxaa lagu qoraal ka soo baxay UN-ka,baarayaal la geeyey goobaha wax ka dheceen si dhaqsi ah waa mid si deg deg ah loogu baahan yahay si hawshu ugu bilaabato muddo seddex bilood ah gudaheeda,arrintaan ayaa timid ka dib markii koox ka socotay takhaatiirta aan xuduudka lahayn(MSF) eey ku soo warameen maalintii Talaalada ahayd in qaar ka mida shaqaalahooda indhahooda ku arkeen ciidamadda dawladda itoobiya oo dilaayo afar qofood oo shacabi ah una dhashay Tigray,seddexdaan shaqaale ee (MSF) ka socday ayaa dawladda Itoobiya ku eedeeyey dilkeey indhahooda ku arkeen inuu yahay mid ka baxsan sharciga. XIGASHO AP.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

MAXAA MAANTA KA DHACAY HOOLKA GOLAHA SHACABKA?

Next
Next

3-QOFOOD OO KU DHIMATAY QARAX KA DHACAY KENYA.