3-QOFOOD OO KU DHIMATAY QARAX KA DHACAY KENYA.
Tan iyo markii eey ciidamadda Kenya soo galeen gudaha dalka soomaalioya sannadkii 2011-kii waxaa kenya ku bilawday weeraro isdabajoog ah eey ku qaadayaan alshabaab,weeraradaas intooda badan ayaa ka dhaca gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya gaar ahaan degmooyinka xuduudka la leh soomaaliya,waxayna Kenya ku weysay weeraradas shacab,saraakiil ciidan iyo dad waxgal ah mana ha kuwa joogsanaayo waayo dadkoodii ayaa maanta waxa eey qeyb ka yihiin dgaaalyahanada geeysanaayo weerarada.
Maanta oo Arbaca ah kuna beegan(24/3/2021)-ka ayaa waxaa jidka miino loogu aasay bas weday imtixaan kana soo baxay magaalada Lafey kuna socday magaaladda Mandheera,waxaane baska la socday oo kale dad mehero ganacsi ku leh magaaladda Mandheera,seddex qofood ayaa la sheegay ineey ku dhinteen qaraxa miinada dhulka lagu aasay waxaane ku dhaawacmay in ka badan toban qofood waxaane loola cararay isbitaalka magaaladda Mandheera(Referral Hospital),waxaane la soo sheegay in isbitaalka eey ka jirto dhiig yari oo dadka dhaawaca ah ayaa dhiig loo weydiyey dadweynaha reer Mandheera sida eey qoreen wargaysyada dalkaas Kenya.XIGASHO DAILY NATION.