MAXAA LAGA FILAN KARAA DOORASHADA MASAR?
(SAWIRKA)-SISI OO SAMEYSANAYO DICAAYAD.
(QAHIRA)-Xkuumadda Masar ayaa xabsiga dhigtay ugu yaraan dad gaarayo ilaa 73-qofood oo mutadawiciin ah una adeegaayey ninka tartanka kula jira Madaxweynaha dalka Masar C/fataax AL-sisi doorashada dhici doonto bisha Disembar ee sannadkan-2023-ka,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegay koox u dooda xuquuqda dadka reer Masar,kooxda ayaa sheegay in dadka la xiray ey si mutadawacnimo ah dicaayado ugu sameynaayeen Musharaxa Madaxweyne Axmed AL-Dhandhaawi. Tobaneyo ka mida taageerayaasha AL-Dhandhaawi ayaa hadda wajahaayo edeymo kala gedisan kagana imanayo xukuumadda Masar waxaane eedeymahaasi ka mid ah Iney yihiin Argagixiso,iney ka tirsan Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo mamnuuc ka ah dalka Masar iyo iney fidinayaan warar been abuur ah.
ISHA/ARAB.