MAXAA KA SOO BIXI DOONO SHURKA ISNIINTA?

(SAWIRKA)-MIDAWGA MUSHARIXIINTA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu soo dhammaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka 27/5/23-ka eyna ka soo bexeen Go’aamo masiiri ah oo taabanaayo mustaqbalka siyaasdda dalka Soomaaliya ayaa waxaa bilawday guux ka imaanayo siyaasiyiin miisaan culus ku leh siyaasada dalka. Go’aamada ka soo baxay shirka ayaa waxaa ka biya diiday siyaasiyiin ka tirsan Midawga musharaxiinta oo uu horay uga tirsanaay MW-Dr.Xasan Sheekh Maxamuud,siyaasiyintaas ayaa waxa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shirka ka dhacay Nairobi eyna ka qeybgaleen masuuliyiin sare oo dalka xilal ka soo qabtay ayaa waxaa ka soo baxay baaq adag oo loo jeedinaayo DFS ee uu hogaamiyo Dr.Xasan Sheekh Maxamuud baaqaaso looga dalbanaayo iney joojiso kuna deg degin arrinta wax ka bedelka dastuuka ee waqtigaan,arrintaan ayaa waxaa ka dhashay buuq siyaasadeed oo hareyey Xukuumadda iyo Mucaaradkeeda ugu dambayntiina waxaa suuragal noqotay in Madaxa Mucaaradka Nairobi fadhiyey MW-ne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu soo gaaro caasimadda Muqdisho lana kulmo MW-Dr.Xasan Sheekh Maxamuud una gogol xaaraan shir weyn oo dhexmara DFS iyo Mucaaradka uu hogaamiyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed,shirkaan ayaa lagu wdaa inuu dhaco maalinta Isniinta ah ee soo socoto kuna beegan10/7/23-ka. Xubnaha shirkaan ka qeybgelaayo ayaa la sheegay iney yihiin Laba Madaxweyne hore(Farmajo iyo Sh.Shariif),afar Reysal Wasaare(C/weli Gaas,Cumar C/rashiid,Khayre,C/weli sh.Axmed),laba Gudoomiye hore Baarlamaan(Prof.Jawaari iyo Shariif Xasan sh,Adan),seddex murashax Madaxweyne(Dr.C/naasir C/lle,Xildhib.C/qadir Cosoble iyo Dr.C/nur). Lama oga sida ey suuragal ku noqon karto inuu shirka yimaado EX.MW-Farmaajo oo hadda dalka ka maqan.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

KOOXDA ALSHABAAB OO LAGU XASUUQAY…

Next
Next

WAXA AAN U NIMID INAAN KU DILNO.