MAXAA KA DHALLAN KARA ISBAHAYSIGA CUSUB EE MARAYKANKA..

(SAWIRKA)-BADDA CAS.

(USA)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xarakada Xamaas bishii Oktoobar-2023-ka waxaa sii kordhaayey raadka uu yeeshay dagaalkaasi gaar ahaan raadka uu ku yeeshay Bariga Dhexe iyo Gaadiidka Badda Cas mara,dagaalka Gaza ka socdo ayaa waxaa qeyb ka ah dawladdo Bariga Dhexe ku haysto dano gaar ah eyna waajib ku tahay iney ilaalshadaan danahooda. Dalalka Maraykanka iyo Iraan ayaa ah labada dal ee sida xooga leh ugu lugta leh Bariga Dhexe waayo Maraykanka waxa uu taageeraa Isra’iil halka Iraan ey taageerto Xamaas,Xizbullah iyo Xuutiyiinta dalka Yeman. Hadaba Xuutiyiinta Yeman ayaa caqabad waxa ey ku noqdeen maraakiibta badeecadda u sidaa Isra’iil ee marta biyaha Badda Cas, Maraakiibta qaar waa ey afduubteen qaar kalane gantaalo ayey ku rideen si arrinkaan jawaab loogu helo ayuu Maraykanku waxa uu hadda abuuritaan ugu jiraa Isbahaysi cusub kana hortaga Xuutiyiinta Yeman,balse su’aasha ayaa ah Maxaa ka dhaallan kara arrintaas? Maraakiibta Ganacsiga caalamiga ah waxa ey u halgamayaan rajada nolosha iyadoo aan la helin jid ganacsi ee ugu muhiimsan muddo todobaadyo ah. Dalka Maraykanka waxa uu ka shaqeynayaa inuu isu keeno koox hawleed si uu u joojiyo dagaalyahanada Xuutiyiinta Yeman weeraradooda ey ku hayaan Maraakiibta Ganacsi ee marta Badda Cas,hawlwadeenada Maraakiibta Ganacsi ayaa ka walaacsan sida uu u hirgelaayo qorshaha uu wato dalka Maraykanka,waxaa kaloo ey ka walaacsan yihiin raga iska leh Maraakiibta Ganacsi jawaabta ka imaan karta haddii ey hawlgalaan Isbahaysiga la dagaalamaayo Xuutiyiinta Yeman. Milkilayaasha Maraakiibta ganacsiga ayaa soo diyaariyey wado dheer oo marta Qaaradda Afrika iyagoo qiimihii hore ku kordhiyey lacag dhan hal milyan oo doolar($-1milyan) iyo in badeecada ku gaarto halkii ey ku socotay muddo dhan todobaad iyo ka bad,

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

AGAASIMAHA NISA MAHAD SALAAD OO BOOQDAY XEEBTA LIIDO.

Next
Next

IMF-TA OO DEYN DHAN $100-MILYAN SIISAY SOOMAALIYA.