AGAASIMAHA NISA MAHAD SALAAD OO BOOQDAY XEEBTA LIIDO.
(SAWIRKA)-AGAASIMAHA NISA MAHAD M.SALAAD.
(MUQDISHO)-Ma aha wax iska caadi ah in la arko Masuul sare kana tirsan Hayadaha Amniga Qaranka isaga oo dhex taagan Goob ey ku kulmaan dadweyne fara badan waqtiyada ey ku jiraan nasiinada,Xeebta Liido ee magaaladda Muqdisho waxa ey ka mid tahay Goobaha habeenkii la tago waqtiyadda fasaxa ah sida maamlinta Jimcaha habeenkeed,waxaane halkaasi ku kulmo dad fara badan isuguna jiro da’a walba,hadaba Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Qaranka(NISA) Md.Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa waxa uu booqasho ku tegay Xeebta Liido ee magaaladda Muqdisho ayadoo si aad ah u camiran waxa uuna halkaasi Agaasime Mahad kula kulmay dad u badan dhallinyaro oo halkaasi isaga baashaalayey waxa uuna Agaasime Mahad ka wareystay dhallinyarad xaaladda Amni ee Xeebta Liido waqtiyada Habeenkii. Dhawr sano ka hor waxaa adkeyd in la tago Xeebta Liido waqtigii aad doontid waxaane halkaasi ey fariisin u ahayd ciidamo ka tirsan Hayadda Nisa uu meesha keenay Fahad Yasiin si ey dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee u kala socda magaaladda Waqooyigeed iyo Koonfurteeda,ciidamadaas ayuu Fahad u bixiyey Duufaan.
ISHA/CAASIMADDA.