IMF-TA OO DEYN DHAN $100-MILYAN SIISAY SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO MADAXA IMF-TA.
(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Gudiga Sare ee Hayadda Lacagta Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano IMF uu si rasmi ah u ansixiyey boqol Milyan oo doolarka Maraykanka ah oo deyn ahaan loo siiyey dalka Soomaaliya,sida la sheegay deyntaan cusub ayaa ah mid ku dhisan Horumarka ilaa hadda la gaaray eyna qeyb ka tahay dhammaystirka deyn cafinta dalka Soomaaliya iyo dib u habaynta iyo xoojinta hayadaha dhaqaalaha muhiimka ah. Hayadda IMF-ta ayaa sheegtay taageerada dhaqaale ee la siinaayo dalka Soomaaliya iney ka imanayso saaxibadda caalamka. Dalka Soomaaliya ayaa 13/12/23-ka waxaa si rasmi ah looga cafiyey deymihii lagu soo lahaay muddo ka badan sodon sano kana soo bilaabay sannadkii 1992-dii,waxa eyna deyntaan ka hortaagneed dalka Soomaaliya inuu helo deeqo fara badan iyo deymo kooban.
ISHA/HIIRAAN.