MARAYKANKA OO XANUUJIYEY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-MADAXAILAALADA KACAANKA IRAAN.

(TEHRAN)- Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa Axada maanta ah sheegay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ey qaataan Go'aanadooda Istiraatijiyadeed si Madax Banaan. Hadalka Hossein Salami ayaa daba socday baaqii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in Tehran ey joojiso taageerada ey siiso Xuutiyiinta Yemen. Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Tehran, Salami wuxuu sheegay in Xuuthiyiinta ey u dhaqmaan si iskood ah. "Yemen waa Qaran Madax Banaan oo leh Siyaasadiisa," ayuu raaciyay. “Dadka Yemen waxay leeyihiin Siyaasadooda Qaran. Xuutiyiinta oo wakiil ka ah dadka Yemen waxay qaataan Go'aanno Istaraatiijiyadeed iyo kuwo Hawlgelineed oo iyaga u gaar ah." Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhintay 101 kalena way ku dhaawacmeen duqeymo ey diyaaradaha Maraykanka iyo UK ku qaadeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen Sabtidii, sida ey sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta. Weerarada ayaa daba socday amar uu Trump ku amray in la qaado weerar millatari oo " Go'aan leh oo xoog leh" oo ka dhan ah xoogaga Xuutiyiinta Yemen ee ka dhanka ah Maraakiibta mareysa Badda Cas. Weeraradii Sabtidii ayaa noqday weerarkii ugu horeeyay ee uu Mareykanku ku qaado Yemen tan iyo markii ey heshiis xabad joojin ah oo dhexmaray Israa’iil iyo Xamaas uu ka dhacay Gaza bishii Janaayo. Xuutiyiinta ayaa tan iyo dabayaaqadii 2023 ku weeraray Maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee ku sugan Badda Cas Gantaalo iyo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo carqalad ku ah Ganacsiga Caalamka, taasoo ey ku sheegeen iney muujinayso garab istaagga Marinka Gaza.

ISHA-AA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO DUQEYN CULUS KA GEYSTAY XUDEYDA.

Next
Next

IDAACADDA VOA-DA OO ALBAABADA LA ISUGU DHUFTAY.