IDAACADDA VOA-DA OO ALBAABADA LA ISUGU DHUFTAY.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE TRUMP.
(ISTANBUL)-Dhammaan shaqaalaha sida joogtada ah uga shaqeeya Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) oo ah idaacada ugu weyn ee ey maalgeliso Dowladda Mareykanka, ayaa Sabtidii lagu wargeliyay in la galiyay Fasax Maamul. Crystal G. Thomas, oo ah Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wakaaladda Maraykanka ee Warbaahinta Caalamiga ah (USAGM), Hay’adda maamusha VOA iyo Hay’adaha kale ee wararka ee ey dawladdu maalgeliso, ayaa soo dirtay Email Ogeysiis ah Shaqaalaha. Ogeysiiska, oo loo diray dhammaan Shaqaalaha VOA-da, laga bilaabo Weriyeyaasha ilaa Madaxda Sare, kuma jiraan Shaqaale Qandaraasle ah oo Qandaraaskoodu dhacayo bisha Juun, sida ey sheegtay CBS News. Laga bilaabo Sabtidii, Shaqaalaha VOA ayaa laga Mamnuucay iney galaan Xarunta dhexe ee Washington, DC. Qaarkood waxaa loo diray guryahoodii intii ey jidka ku jireen, halka kuwa iskood u shaqeysta, Xargaha, iyo kuwa Qandaraasyada bilaha ah iyagana laga joojiyay shaqada lacag la'aan awgeed. Go'aankan ayaa daba socda amarkii fulinta ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Jimcihii, kaasoo farayay in Miisaaniyad weyn laga dhimo USAGM iyo lix Hay'adood oo kale. "Hay'adaha noocan oo kale ah waa iney yareeyaan Waxqabadka Shaqadooda Sharciga ah iyo Shaqaalaha la xiriira joogitaanka iyo shaqada ugu yar ee sharcigu u baahan yahay," ayaa lagu yiri Amarka. USAGM, oo sidoo kale maamusha Raadiyaha Xorta ah ee Yurub/Radio Xoriyadda iyo Raadiyaha Xorta ah ee Aasiya, ayaa joojisay taageeradii dhaqaale oo ey siin jirtay labada Hay'adood, taas oo saameynaysa baahinta Bariga Yurub, Ruushka, Ukraine, Shiinaha, iyo Waqooyiga Kuuriya. Michael Abramowitz, oo ah Agaasimaha Voice of America, ayaa ku muujiyay sida uu uga xun yahay qoraal uu soo dhigay LinkedIn, isagoo yiri: "Aad baan uga xumahay in markii ugu horeysay muddo 83 sano ah, la aamusiyo sheekadii caanka ahayd ee Voice of America." "Waxaan saaka ogaaday in gabi ahaan shaqaalaha Voice of America - in ka badan 1,300 oo saxafiyiin, soo saarayaal, iyo shaqaale taageera - la galiyay fasax maamul maanta. Anigu sidaas oo kale ayaan leeyahay,” ayuu raaciyay. Abramowitz waxa uu qiray baahida loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo VOA, waxaanu xusay in horumar la sameeyay, balse waxa uu sheegay in ficilada hadda socda ey caqabad ku yihiin awoodeeda ey ku gudanayso hawsheeda, gaar ahaan wakhtiga ey cadawga sida Iran, China, iyo Russia ey si weyn u maalgashanayaan faafinta macluumaadka si ey u wiiqaan Maraykanka.
ISHA-ANADOLU.