MARAYKANKA OO DUQEYN CULUS KA GEYSTAY XUDEYDA.
(SAWIRKA)-MARKABKA GALAXY LEADER.
(YEMAN)-Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa ku soo warantay in laba weerar oo cirka ah uuMaraykanka la beegsadeen Taawarka laga hago Markabka “Hogaamiyaha Galaxy” ee la xiray fiidnimadii Axadda ee dekedaha Xudeydah ee Galbeedka Yemen, Markabkan ayey kooxda Xuuthiyiinta ey haysteen tan iyo 19-kii November 2023, taasoo qayb ka ah weerarada ey ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga iyo Maraakiibta Caalamiga ah. TV-ga AL-Masirah ee xiriirka la leh Xuuthiyiinta, ayaa xaqiijiyey in Taawarka laga hago Markabka la xiray, ee Hogaamiyihii Galaxy, lala beegsaday duqeymaha Mareykanka, isagoo aan bixin faah faahin dheeri ah. Kooxda Xuuthiyiinta ayaa Markabka Galaxy ee laga leeyahay dalka Japan ka Qafaashay Badda Cas 19-kii November, 2023, waxayna la tageen 25-shaqaale ah oo la socday dekedda Xudeydah ee Galbeedka Yemen. Xaaladdan oo kale, Abdulmalik AL-Houthi, oo ah Hoggaamiyaha kooxda isku magaca ah, ayaa Axadda maanta ah sheegay in dhaqdhaqaaqiisu uu weerari doono Maraakiibta Maraykanka ee ku sugan Badda Cas. “Haddii ey sii wadaan duullaanka gardarada ah, waan sii wadi doonnaa,” ayuu AL-Xuuthi ku daray hadal uu ka jeediyay Taleefishinka ka dib weerarkii xalay Mareykanka uu ku qaaday dhowr Gobol oo Yemen ey ka taliyaan. Waxa uu ku andacoodey in Xuutiyiinta ey go’aansadeen iney ugu hanjabaan Maraakiibta Israel si ey u kordhiyaan cadaadiska ey ku hayaan Israel si ey u oggolaadaan Gargaarka Bini'aadantinimo ee Gaza. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen ey taageerto ee Iran ey sii socon doonaan ilaa iyo waqti aan la cayimin. Duqeymahan oo ey Mareykanku ku sheegeen in looga dan leeyahay in lagu ciqaabo Xuutiyiinta weerarada ey ku hayaan Maraakiibta marta Badda Cas, ayaa waxay ka dhigan tahay markii ugu horeeysay oo ey Ciidamada Mareykanka ey Gobolka ka fuliyaan tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump bishii Janaayo-2025-KA.
ISHA WARKA AL-CARABIYA.