MARAYKANKA OO ILAALO U SOO DIRAY BADDA CAS.
(DUBAI)-Sida eey sheegeen ciidamadda badda ee dalkaas Maraykanka kuna sugan biyaha badda cas(RED SEWA) waxa eey bilaabi doonaan ilaalo cusub oo dhinaca badda ah gaar ahaan badda cas(Red Sea) iyo marinka Baab Al-Mandab,sababta keentay ilaaladaan cusub ayaa lagu sheegay ineey soo korodhay hubka suuqa madoow,daroogada iyo tahriibinta dadka,waxaa kaloo ka mida waxyaabaha lala dagaalami doono ganacsatada hubka keento Soomaaliya kana soo qaado dalka Yaman. Ilaaladaan cusub ee uu Maraykanka sheegay ayaa waxaa ka qeybgelaayo sideed marakab dagaal uu iska leeyahay Maraykanka kuwaso imaan doono badda cas dhawaan,hawlgalkaan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsan doonaa kuwa Soomaaliya ka tahriibiyo dhuxusha iyo dadkaba waxaane la sheegay in dadkaas gacan saar la leeyihiin kooxda Alshabaab,waxaane jiro ganacsato Soomaali iyo Yaman ah kana gacsato hubka suuqa madaw ah ee gaaro gudaha dalka Soomaaliya sida lagu sheegay warbixinta.
ISHA WARKA AP.