IRAAN OO SOO BANDHIGTAY DADKII YURUB U DHASHAY EEY XIRTAY.
SAWIRKA LABADA QOFOOD EE FARANSIISKA AH EE U XIRAN IRAAN.
(TEHRAN-IRAN)-Tv-ga eey maamusho dawladda Iraan ayaa maanta oo Talaada ah(17/5/22)-ka xaqiijiyey in dawladda Iraan eey xirtay laba qofood oo u dhashay dalka Faransiiska kuwaaso dawladda Iraan eey ku eedaysay ineey kulamo la sameeynaayeen macallimiinta dalka Iraan si eey uga qeyb qaataan banaanbaxyda looga soo horjeedo dawladda Iraan. War eey soo saartay dawladda Iraan laguna baahiyey Tv-ga xukuumadda ayaa lagu sheegay magacyadda labadda qofood ee Faransiiska ah iyo da’adooda,waxayna dawaladda Iraan hadalkeda raacisay in labada qofood eeysan ahayn Dalxiis sida eey horay u sheegtay dawladda afaransiiska waqti yar ka dib markii la xiray labadaan qofood oo la kala yiraahdo Chuck Paris oo 69-ji ah iyo Celcile Kohler oo 37-jir ah.
ISHA WARKA AP.