MARAYKANKA OO DUQEYEY SACDA IYO SANCA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA GAARKA AH EE MARAYKANKA.

(YEMAN)-Mareykanka ayaa Sabtidii bilaabay inuu qaado duqeymo militari oo ballaaran oo ka dhan ah tobaneeyo bartilmaameed oo Yemen ah oo ay maamulaan maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran. Duqeymaha cirka iyo badda ee uu amray Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu garaacay Raadaarka, Difaaca Hawada, Nidaamyada Gantaalada, iyo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo isku dayaya inay furaan Marinnada Maraakiibta Caalamiga ah ee Badda Cas oo ay Xuuthiyiintu carqaladeeyeen muddo bilo ah weeraro iyaga u gaar ah, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Wargeyska New York Times. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta oo ah tii ugu muhiimsaneyd ee uu qaado Trump markii labaad ee uu xilka hayo, sidoo kalena la doonayay in fariin digniin ah loogu diro Iran. Waxa ay sidoo kale ku macneeyeen in Trump uu doonayo in uu heshiis la galo Iran si looga hortago in ay hesho hubka Nukliyeerka, balse waxa ay ka tageen suurtagalnimada in tallaabo milatari laga qaado haddii Iiraaniyiintu ay diidaan wada xaajoodka.

“Waxay Socon Kartaa Dhawr Maalmood”. Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale intaa ku daray in qaar ka mid ah Gacan-yareyaasha Amniga Qaranka ay aad u doonayaan in ay qaadaan olole xooggan oo keeni kara in Xuutiyiinta ay lumiyaan awoodda qeybo badan oo ka mid ah Waqooyiga dalka. Balse Trump weli ma uusan Ansixin Istiraatijiyaddan, isagoo ka cabsi qaba in ay Mareykanka geliso colaadda Bariga Dhexe oo uu wacad ku maray inuu ka fogaan doono xilligii uu ololaha ku jiray.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weeraradii Sabtidii ay ka dhasheen kulamo heer sare ah oo Aqalka Cad todobaadkan ku dhexmaray Trump iyo kaaliyihiisa sare ee dhanka Amniga Qaranka, oo uu ku jiro Madaxweyne Ku-Xigeenka J.D. Vance, Xoghayaha Arimaha Dibada Marco Rubio, Michael Waltz, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Wasiirka Difaaca Pete Hegseth iyo General Michael E. Kurilla, Taliyaha Taliska dhexe ee Maraykanka. Trump ayaa ogolaaday qorshahan Jimcihii.

Xuutiyiinta ayaa weeraray:

Waxaa xusid mudan in Xuuthiyiinta oo maamula caasimadda Yemen ee Sanca ay Gantaallo iyo Diyaarado aan duuliye lahayn ku garaaceen Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza ka dillaacay 7-dii Oktoobar 2023, iyagoo caddeeyay in weeraradoodu ay “midnimo” kula jiraan Falastiiniyiinta. Waxay sidoo kale beegsadeen maraakiibta xamuulka qaada ee marayey badda cas iyo gacanka cadmeed, iyagoo ku andacoonaya inay xiriir la leeyihiin Israel.

ISHA-AA.

Previous
Previous

HOGAAMIYE SARE OO JIHADISTE AH OO ISMIIDAMIN LAGU DILAY.

Next
Next

MARAYKANKA OO DUQEEYEY XARUMO CIIDAN EE XUUT…