MARAYKANKA OO DUQEEYEY XARUMO CIIDAN EE XUUT…
(SAWIRKA)-CAASIMADDA YEMEN EE SANCA OO CAAWA HOLCEYSA.
(SANA’A)-Ciidamada Mareykanka ayaa caawa weerar cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta Yemen, sida ey AL-Carabiya u sheegeen saraakiil Mareykan ah oo howlgalkan wax ka og. Dhowr duqeymo oo Mareykanka ah ayaa lala beegsaday Gantaalada iyo Nidaamyada Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn(DRONES)-KA iyo sidoo kale awoodaha Difaaca Hawada Xuutiyiinta, sida ey saraakiishu sheegeen. AL-Carabiya tibaaxday in tani ey tahay bilowga ololaha milatari ee sii kordhay ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta, kuwaas oo ku hanjabay iney dib u bilaabi doonaan weeraradooda ey ku hayaan Maraakiibta ku sugan Badda Cas . Wax yar ka dib weeraradaas, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Bulshada ku sheegay in haddii weerarada Xuutiyiinta ey joojin waayaan "Naarta ayaa kuugu soo da'i doonta si aadan weligaa u arag." Boostada, Trump wuxuu sidoo kale uga digay Iran, taageeraha ugu weyn ee Xuutiyiinta, iney u baahan tahay iney si deg deg ah u joojiso taageerada kooxda. Waxa uu sheegay in haddii Iran ey u hanjabto Mareykanka "Mareykanku si buuxda ayuu kula xisaabtami doonaa, mana ku farxi doono arrintaas!" TV-ga AL-Masirah oo ey Xuutiyiintu maamulaan ayaa horay u sheegay in weerar lagu beegsaday caasimadda Yemen ee Sanca. Xuuthiyiinta ayaa gacanta ku haya inta badan dalka Yemen oo ey ku jirto caasimadda dalkaasi ee Sanca, waxayna weeraro gantaallo iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ku qaadeen Israa'iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza ka billowday bishii Oktoobar ee sannadkii 2023-kii. Waxay sidoo kale si isdaba joog ah u bartilmaameedsadeen Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Marin-biyoodyada muhiimka u ah Ganacsiga Caalamiga ah. Trump ayaa saxiixay amar fulin ah dabayaaqadii bishii Janaayo si uu Xuutiyiinta ugu soo celiyo liiska Ururada Argagaxisada Shisheeye (FTO) , halkaas oo uu ku dhejiyay xilligiisii ugu horeeyey. Dib-u-habeyntan ayaa la macno ah in cid kasta oo la shaqeysa ama la shaqeysa Xuutiyiinta oo dhulkooda ey ku nool yihiin inta badan dadka Yemen uu halis ugu jiro in Mareykanka uu dacwad ku soo oogo. Madaxweynihii hore Joe Biden ayaa Xuutiyiinta ka saaray liiska ka dib markii kooxaha bini’aadantinimada ey ka dhiidhiyeen in eysan gargaar u fidin karin dadka Yemen ee dhibaateysan iyaga oo aan la macaamilin maleeshiyaadka. Dalka Yemen oo ah dalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta ka hor intii uusan dagaalku dhicin toban sano ka hor, ayaa hadda waxaa ka taagan mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka, iyadoo saddex-meelood labo meel 34 milyan oo qof oo ku nool dalkaas ey u baahan yihiin Gargaar.
ISHA-AL-ARABIYA.