HOGAAMIYE SARE OO JIHADISTE AH OO ISMIIDAMIN LAGU DILAY.
(SAWIRKA)-XAMID AL-XAQ.
(AFGHANISTAN)-Dilkii Maulana Xamid-ul-Haq, Hogaamiyaha Madrasa Haqqaniya, ee lagu dilay weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Madarasada taariikhiga ah ayaa mar kale banaanka soo dhigtay heerka uu gaarsiisan yahay Cudurka Kansarka ee ku faafay deegaanka Jihaadka ee Koonfurta Aasiya iyo kala qaybsanaantiisa gudaha. Maulana Xamid-ul Haq waxa uu xubin ka ahaa Golaha Qaranka 12-aad ee Pakistan (2002-07) ka dibna Madaxa Jameecat Culama-El Islam (Sami) tan iyo markii aabihiis, Maulana Sami-ul Haq, la dilay 2018. Koonfurta Aasiya, dilka Xamid-ul-Haq waa horumar muhiim ah kaas oo saameyn ba'an ku leh Mustaqbalka Xagjirnimada Jihaadka ee Gobolka iyo meelo ka baxsan. Waxaa xusid mudan, Madrasa Haqqania waxay ka heshaa meesha loogu ixtiraamo 'Ivy League' ee Jihaadka, oo ey ku jiraan Siminaaro sida Madrasah Binoriya ee Karachi. Waxay soo saartay qaar ka mid ah Maskaxdii ugu caansanayd ee Argagixisanimada, sida Mullah Omar iyo Mullah Akhtar Mansour (labadaba Madaxii hore ee Taliban), Taliyayaasha Mujaahidiinta Shabakadda Haqqani, sida Sirajuddin Haqqani, Jalaluddin Haqqani, Madaxa Xizb-e-Islami Mohammad Yunus Khalis iyo Jamiat-Ulema-El-Islam Xag-jiriinta sida Maulana Fazlur Rahman Khalil, Azizur Rahman Hazarwi, Hamidul Haqqani, Taliyaha Taalibaan, Zamirbiullah, iyo Abaanduulaha Taalibaan, Zamirbiullah. la dilay Madaxii AL-Qaacida-Indian Subcontinent (AQIS), Asim Umar.
ISHA WARKA-FP