MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY 6-IRAANIYIIN AH.

(MARAYKANKA):Dalka Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay lix qofood oo reer Iraan kuwaaso qeyb ka ah barnaamijka uu dalka Iraan ku sameeyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin(DRONES),diyaardahaas uu sameeyey dalka Iraan ayaa lagu weeraray maraakiib maraysay biyaha caalamiga ah iyo ciidamadda Maraykanka kuna sugan Khaliijka,sidoo kale Maraykanka ayaa eedeyn u soo jeediyey Ilaaladda Kacaanka ee dalka Iraan waxa uuna ku eedeyey ineey diyaaradaha aan duuliyaha wedin(Drones) uu direen ururka Xisbullaahi ee dalka Libnaan,ururka Xamaas ee reer Falastiin, dagaalyahanadda Xuutiyiinta dalka Yaman iyo dalka Itoobiya oo darooniska eey sameeysay Iraan u adeegsaday dagaalka uu kula jiro jabhadda Tigray ee ka dagaalamayso waqooyiga dalka Itoobiya.

Cunaqabataynta ayaa lagu bartilmaameedsaday Ilaaladda Kacaanka ee dalka Iraan taaso dalka Maraykanka u aqoonsaday ineey tahay argagixiso sannadkii 2019-kiiwaqtigii madaxweyne Trump,waxay kalo cunaqabateyntu saameyn doontaa hantida ka taalo dalka Maraykanka kuwa la saaray cunaqabateynta iyo mawaadiniinta Maraykanka ah ee xiriir ganacsi kala dhexeeyo.XIGASHO WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

UK OO TABABAR SIIN DOONTO CIIDAMADDA SOOMAALIYA.

Next
Next

HAWEENEY DHAQAALE U URURISAY ALSHABAAB OO…