HAWEENEY DHAQAALE U URURISAY ALSHABAAB OO…
ALEXANDERIA,VA):Haweeneey aslakeedu yahay Soomaali basle haysata dhalashadda dalka Holland ayaa lagu eedeeyey todobo sano ka hor ineey ururisay lacag kuna taageertay kooxda Alshabaab,haweenidaas ayaa hadda loo soo gudbiyey dalka Maraykanka si loogu maxkamadeeyo gudaha dalka Maraykanka.
Farxiya Xasan oo ah 38-jir ahne Somali-Dutch ayaa maalinti shalay oo ahayd Jimca(29/10/2021)-ka ka soo muuqatay maxkamadda degmada Alexanderia ee gobolka Virginia ee dalkaas Maraykanka,ka dib markii la keenay dalka Maraykanka maalintii khamiista si loogu qaado dembiga loo haysto ee ah ineey dhaqaala ahaan kaalmaysay kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta soomaaliya.Garsoorayaasha ayaa sheegay in Farxiyo ururisay lacag eey deeq bixiyeyaasha uga qaaday in lagu dhisaayo dugsiyo laguna kaalmeynaayo agoonta lacagtaas ayaa si dhab ah waxa eey u aaday kooxda Alshabaab,lacagtaas Farxiyo u gudbisay Alshabaab ayaa waxa eey gaareysay unugyada Alshabaab ee ku kala sugan Nayroobi Kenya,Hargeysa Somaliland iyo Soomaliya inti u dhexeeysay sannadadii 2011-kii ilaa 2014-kii,Farxiyo ayaa mudan doonto xabsi dhan shan iyo toban(15)-sano haddii lagu helo dembiga loo haysto.
Waxaa jiray laba gabdhood oo kale Farxiyana kula eedeysnaay kaalmeynta Alshabaab waxa eeyna kala yihiin Muuna Cismaan Jaamac ee degmada Resta gobolka Virginia iyo Hinda Cismaan Dhiirane degmada Kent gobolka Washington,labadaan gabdhood ayaa lagu helay dembigii lagu soo eedeeyey sannadkii 20016-kii waxane lagu kala xukumay laba iyo toban(12)-sano iyo kow iyo toban(11)-sano sideeey u kala horeeyaan.XIGASHO WAKAALADAHA.