MARAYKANKA OO AFAR QOFOOD TOOREY LAGU DILAY.
(SAWIRKA)-BOOLISKA GOBOLKA ILLINOIS EE MARAYKANKA.
(ROCKFORD-US)-Afar qof ayaa lagu dilay afar kalane waa lagu dhaawacay weerar Tooreey loo adeegsaday oo ka dhacay Waqooyiga Gobolka Illinois ee dalka Maraykanka maanta oo Arbaca ah,sidaas waxaa sheegay masuuliyiinta gobolka. Eedaysanaha ayaa ku jira gacanta booliska waxaane su’aalo laga weydiinayaa dhacdadaan,sida ey sheegtay haweeneyda ah taliyaha booliska ee la yiraahdo Rockford Carla Redd. Waxa ey sheegtay in mid ka mid ah dadkii dhaawcamay uu weli ku jiro xaalad halis ah. “Qalbigaygu wuxuu la socdaa qoysaska hadda dhibaatadu haysato”, Redd ayaa sidaas u sheegtay warbaahinta. Waxay sheegtay in booliska Rockford ey heleen telefoon lagu dalbanaayo gargaar deg deg ah saacadu markeey ahayd kowdii iyo afar iyo toban daqiiqo(1:14)-PM waxaane ku xigtay baaqyo dheeraad oo loo soo diraayo booliska iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka. “Waxaan haynaa afar qofood oo dhinta”ayey tiri Redd. “Waxaan haynaa mid hadda ku sugan xaalad halis ah iyo afar kale oo xaaladoodu degan tahay”.
ISHA/ARAB.