GOLAHA XFS OO YEESHAY KULAN AAN CAADI AHAYN.

(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA EE MAANTA.

(MUDISHO)-Wararka ka imanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey galabta yeesheen kulan deg deg ah kaaso lagu Ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska eyna wada galeen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga. Qodobadda ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraayo in dawladda Turkiga ey dalka Soomaaliya ka caawiso dhinaca wax soo saarka Shidaalka,Sahminta iyo daraaseyntiisaba si ummadda Soomaaliyeed ey uga faa’iideysato khayraadka dabiiciga ah. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Md.Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo Golaha Wasiiradda horkeenay heshiiska ayaa tilmaamay in heshiiskaan Soomaaliya u horseedaayo iney ka faa’iideysato kheyraadkeedka dabiiciga ah korna u qaado dhaqaalaheeda iyo in Soomaaliya ey ka maaranto deeqaha caalamiga ah ee la siiyo,Wasiirka ayaa xusay sida ey lagama maarmaanka u tahay in Shidaalka dalka la soo saaro maadaama ey haatan dunida ka gudbayso isticmaalka Shidaalka ugana gudbayso isticmaalka Tamarta(Energy). Kulanka maanta oo uu shir Gudoominaayey RW-Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu meel mariyey Xeer nidaamiyaha Diiwaangelinta dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka iyo wax ka bedelka Hindisa sharciyeedka ka hortaga lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO AFAR QOFOOD TOOREY LAGU DILAY.

Next
Next

MUSIIBO KA DHACDAY ISGOYSKA JUBA EE MAGALADDA MUQDISHO.